dawlada farmaajo waa mid sharcidaro ah


A C-WARAR

hadalda ka soo baxaayo ee guud ee gudaha iyo dibedda Soomaaliya ee ah in dowladda Soomaaliya ee madaxweynaha hadda, "Farmaajo" ay tahay dowlad sharci-darro ah eeyna tahay mid ku meel gaar ah oo waqtigeeda dhamaadey  tani waa mid taariiqda booga madoow ka gashey

Markii ay dhamaato waqtiga iyo waajibaadka dowlada, joogitaankaaga xafiiska waa kumeel gaar, wax walboo aad sameysana waa ku meel gaar.

shacabka Soomaaliyeed waxay ku baaqayaan in doorashada sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto lana soo dhiso dowlad cusub maxaa yeelay dowlada hada jirta ma aqoonsana, maadaama ay tahay dowlad kumeel gaar ah oo sharci daro ah waxayna ka caawineysaa kaligii taliye Farmaajo inuu ka takhaluso dadka ka soo horjeeda.

Dowlada  hubkeeda ku wajahda shacabkeeda waa dowlad aan aqoonsai leheen, dowlada farmaajo waa dowlad sharci daro ah oo aan aqoonsaneyn umada soomaaliyeed sidaa darteed waxaan dalbaneynaa doorasho iyo dowlad cusub in la dhiso.

Dowladda KMG ee waqtigeedu dhammaaday, iyadoo la raacayo sharciga iyo dastuurka dalka, waxay qaadaysaa tallaabooyin uusan sharcigu oggoleyn oo ka dhigan xadgudub cad oo loo geysto shacabka Soomaaliyeed.

Burburka wadahadaladii nabadeed ee u dhaxeeyay dowlada Farmaajo iyo mucaaradka ayaa ahaa mid uu abaabulay Farmaajo, hadafkiisuna ahaa inuu dhaco doorashada dalka maadaama uusan aaminin dadkiisa. 

Tan iyo markii uu Farmaajo xilka qabtay waxaa ka dhacay dalka dilal, caburin, dhac, kufsi iyo dhibaatooyin kale oo loo geysanayay shacabka Soomaaliyeed oo aysan wax ka qaban dowladda waqtigeedu dhamaaday. Miyaanay ahayn in Fargo la xisaabtamo oo la ciqaabo?

Post a Comment

0 Comments