SOOMAALIYA oo guul kale oo wayn maanta gaareyso – Maxaa dhacaya?

SOOMAALIYA oo guul kale oo wayn maanta gaareyso

Somaliya oo ku biiri doonta qaramada midoobay.

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Khamiis cod u qaadi doono ku biirista Somaliya ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa la filayaa in xubin aan joogta ahayn ay ka noqoto golaha, haddii ay dhacdo codeynta oo la qaadayo maanta oo ah 6-da bisha June.

Dowladda federaalka ayaa dadaal badan gelisay kursigan iyo sidii ay ku heli lahayd, waxaana isha lagu wada hayaa guusha taariikhiga ah ee ay maanta gaareyso Soomaaliya.

Wafdi matalaya Somaliya oo ku sugan New York

Sidoo kale waxaa New York oo ah halka ay ka dhaceyso codeynta ku sugan wafdi ka socda dowladda federaalka, waxaana hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi oo goobjoog noqon doono kulankaasi.

Soomaaliya ayaa kursigan ku fadhiisan doonto labada sano ee soo socoto oo ka bilaabaneysa 2025, sida uu dhigayo xeerka u yaalla Qaramada Midoobay.

Sidoo kale waxa ay Soomaaliya ku biireysaa 4 dal oo kale, kuwaas oo kala ah Denmark, Greec, Pakistan iyo Panama, waxayna dhammaantood horay uga soo shaqeeyeen golaha ay ku jirto Soomaaliya, horaantii 1970-kii.

Soomaaliya iyo afartan dal ee kale ayaa sida uu qorshuhu yahay waxay beddali doonaan waddamada kala ah Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador.

Maxay faaiido leedahay Guushani

Guushan wayn ee ay gaareyso Soomaaliya ayaa kor usii qaadeyso dowladda federaalka oo sanadihii ugu dambeeyay ku guuleysatay barnaamijyo waa wayn, sida qaadista cuna-qabateynta hubka, deyn-cafinta iyo ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC.

Post a Comment

0 Comments