Somaliya oo laba guul oo taariikhi ah gaareysa December

Madaxweyne Xassan Shiikh oo sheegay xiliga xayiraada hubka laga qaadayo Somalia, Dayntana laga cafinayo

5 arimood oo Madaxwayne xassan khudbadiisa ku xusay.

Madaxweynaha Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad Dastuuri ah u jeediyay labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee waddanka iyo guulo usoo socda Soomaaliya bisha December.

Xasan Sheekh ayaa baarlamanka ka dhex sheegay 5 arrimood oo masiiri ah, kuwaas oo ay tahay in sida ugu haboon wax looga qabto. Saddex kamid ah waxa uu tilmaamay in laga rabo Beesha Caalamka, halka labada kalena ay go’aan ka gaaristeeda leedahay Somaliya.

“Waxaa jirta 5 arrimood oo muhiim innoo ah inaan gaarno, 5-taas arrimood 2 kamid ah go’aan ka gaaristeeda waxaa iska leh Soomaalida, 3 kamid ah Beesha Caalamka ayaa iska leh go’aan ka gaarista” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Labada arimood ee go’aan ka gaaristeeda leedahay Somalidu

Labada ay leedahay Soomaaliya oo ay tahay inay go’aan ka gaarto waxa uu sheegay inay yihiin dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale dhammeystirka Dastuurka KMG ka ah.

“Labada aan annaga go’aankeeda aan leenahay waxaa waayay dalka inaan Shabaab ka xorayno, qodobka labaad ee go’aan ka gaaristeeda aan leeanahay waa Dastuurka KMG ka ah inaan dhammeystirno” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saddexda arimood ee go’aan ka gaaristeeda leedahay Beesha caalamku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka la`eego saddexda qodob ee u taalla Beesha Caalamka oo ah dayn cafinta, cunaqabateynta iyo aqbalaaddii Soomaaliya ee Dalladda EAC inay ka rajo wanaagsan yihiin labada qodob ee laga rabo in Soomaalida ay go’aamiso.

“Asbuuca ugu horreeya bisha Diseembar cunaqabateynta hubka ayaa nalaga qaadayaa, sidoo kale isla bishaas ayaa deynta nalaga cafinayaa,” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlaya labada guul ee Soomaaliya usoo socda.

“Haddaan idinla kaftamo saxdexdii Beesha Caalamka go’aankeeda leedahay ayaa ka rajo wanaagsan, labada kale ee aan annagga go’aankeeda leenahay” ayuu yiri madaxweynuhu.

Si kastaba,Xasan Sheekh ayaa shalay khudbad soconaysay wax ku dhow saacad ka jeediyay furitaanka kalfadhigga 4-aad ee labada Aqal, isaga oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiisadda Puntland, doorashada Somaliland iyo dagaalka weli ka soconaya Sool.

Post a Comment

0 Comments