Mareykanka oo taageeray kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Alshabaab

Larry Andre and Hassan Sheikh

Dowladda Mareykanka ayaa taageero u muujisay kacdoonka shacab ee ka bilowday qaar kamid ah gobolada Somaliya, kaa oo looga soo horjeedo dagaalyahanada Al Shabaab ee maamusha qeybo kamid ah dalka.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Somaliya Danjire Larry Andre, ayaa sheegay in ay taageersan yihiin kacdoonka shacab ee dalka ka bilowday iyo howlgalada ciidanka dowladda kula dagaalamayaan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay safiirka Mareykanka in loo baahan yahay in beelaha Soomaaliya kacaqn oo iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, si meesha looga saaro dhibaatooyinka hormuudka u yihiin kooxdaasi.

Larry Andre, ayaa sheegay in hal beel oo degta gobolka Hiiraan lagu fiirsaday dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab, waxa uuna ku booriyay beelaha kale ee Soomaaliyeed in ay joojiyaan xifaaltanka oo u dhaqaaqaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab.


“Soomaalidu ma waxay u dhaqmi doontaa midnimo. Ma midnimadooda ayay muujinayaan. Ma waxay muujinayaan inay yihiin qaran Soomaaliyeed mise waxay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay qabiilo la soo ururiyay, 

Waxaan ula jeedaa in beel ka mid ah beelaha dega Hiiraan ay ku daashay dagaalka halka beelaha ay iska fadhiistaan oo ay daawanayaan, oo aysan iyagu dagaalka gelin. 

Bulshadu waa inay xifaaltankooda meel dhigaan oo ay yiraahdaan annagu hal dan ayaanu leenahay dhammaanteen,”ayuu yiri safiirka Maraykanka Andre.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli beesha Xawaadle kaliya lagu fiirsaday dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana hadda qaar kamid ah beelaha kale ee Soomaaliyeed bilaabeen abaabul dagaal.

Post a Comment

0 Comments