DF oo ku dhowaaqday in lasoo afjaray howlgalkii ka socday Hiiraan & Jen Biixi oo fariina u diray Alshabaab.

Jen - Maxamed tahliil biixi

Waxaa lasoo afjaray howl-galkii balaarnaa ee maalmahaan ka socday gobolka Hiiraan sida uu warbaahinta dowladda ka shaaciyay Taliyaha ciidamada dhulka ee xooga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi.

Taliye Biixi ayaa sheegay in intii uu socday howlgalkan oo loogu magac daray Waabari 2 lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha kale ee Al-Shabaab ay ka firxadeen Hiiraan, isla-markaana ay howlgalladu sii wadi doonaan inta laga xoreynayo dalka oo dhan.

Taliyaha ciidamada dhulka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay in la furay laamiga dheer ee isku xira Beledweyne iyo Buuloburte oo markii hore ay gooyeen Al-Shabaab.

Taliye Biixi ayaa sheegay in Cali Dheere uu mudo dheer ku soo faanaayey dilka iyo gumaadka umadda Soomaaliyeed, balse hadda ay asaga soo dili doonaan, iyo inay caawin doonaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay ka qabsanayaan kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu boggaadiyey ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda ee fuliyey howlgalladaasi, isaga oo sidoo kale u mahadceliyey dhammaan reer Hiiraan.

Dhanka kale Taliyaha ciidanka xooga dalka General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Saraakiil iyo ciidan ka tirsan Milatariga Somaaliya ayaa ugu baaqay inay sii balaariyaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka.

Odowaa ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in howl-galada qeyb ka noqdaan shacabka ku nool deegaanada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab ay qeyb ka noqdaan dagaalka.

Sidoo kale wuxuu ciidamada dagaalka ku jira ka codsaday inay u dulqaataan xaaladaha kala duwan oo ay la kulmayaan inta ay ku guda-jiraan howl-galada, isaga oo ku dardaaray inay sii kordhiyaan howl-galadooda.

Taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa qeyb ka ah masuuliyiin ku sugan jiida hore ee dagaalka oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda federaalka, kuwaasi oo la kulmay askarta iyo saraakiisha hogaamineysa howl-galada.

Post a Comment

0 Comments