Hawlgallo ay ku guulaysteen Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed oo lagu Burburiyay Alshabaab.

Ciidamada xooga dalka Somaliyeed

Ciidamada Xoogga dalka , qaybta 27-aad ayaa shaly ka dhaqaaqay dhanka degmada Buulo-burde waxayna isku fidiyeen Deegaanno dhaca duleedka degmadaas, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah kooxda hubeysan ee Al-Shabaab.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadu ay hawada ka saareen isgaarsiintii deegaannadaasi, maadaama uu socda howlgal culus & abaabul ka dhan ah Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Somaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey inay gaareen deegaannada kala ah Ceemoy, Dhagax Yaalle, Kilad Gubadley iyo Ceelka-dabyoole.

Sidoo kale ciidamada ayaa burburiyey doomo ku xirnaa wabiga Shabelle, kuwaas oo ay sheegeen in ay isticmaali jireen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo baxsad ah.

Ujeedka howlgalladan ayaa ah sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa halkaasi, looguna hortegi lahaa weerarada ay ka fuliyaan gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale maleeshiyaadka Macawiisley ayaa iyaguna dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada dhanka degmada Jalalaqsi, halkaas oo ay ka dhaceen iska hor imaadyo xoogan.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u ckiran, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Si kastaba, arrimahaan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalin ka hor ay Al-Shabaab dad shacab ahaa ku leysay duleedka Beledweyn, kadibna ay gubtay gawaaridii ay la socdeen.

Dhanka kale Taliyaha ciidanka booliska Somaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal culus oo ciidanka ammaanka ay shalay waaberigii ka fuliyeen degaanka Basra oo jihada koonfur-galbeed ka xiga magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in Basra lagu bartilmaameedsaday maxkamad ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas mudo dheer, sidoo kale wuxuu sheegay in goobta la weeraray ay kooxdu ku canshuuri jirtay ganacsatada reer Muqdisho.

Wuxuuna tilmaamay in howgalkaan uu yahay kii ugu horeeyey, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada, isagoo sheegay in gobollada dalka uu ka bilowday kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments