Waa maxay sababta ay Al-Shabaab u kordhisay howlgalladeeda argagixiso ?

Alshabaab

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, ayaa muddooyinkii dambe si cajiib ah u kordhisay howlgallada ay ka fulineyso dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhashay laba qarax oo argagixisadu todobaadkii hore ka geysatay maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, waxaana kamida dadkii ku waxyeeloobay mas’uuliyiin caan ah oo ka tirsan dowladda.

Shalay oo udanbaysay Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Uganda ee ku howlgala magaca AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Galwayn ee gobolka Shabeellaha Hoose. 

Maalintii salaasada Caasimadda Muqdisho laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday baabuur ciidan, saacado kadib uun markii Mareykanku ka digay dhaqdhaqaaqa ay argagaixisada Alshabaab ka wadaan gudaha Somaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale Labo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Somaliya. 

Qaraxan oo ka dhashay miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska “Trapunka” oo ay ku badan yihiin dad lugeynaya, gaar ahaan dhinaca degmada Hodon.

Weeraradaas iyo kuwo kale oo badan ayaa dhacay wax ka yar bil gudaheed tasoo la odhankaro waa mucjiso aanay hore usamayn xarakada Alshabab waxaana waajiba inay xukuumada cusub masuuliyad iska saarto arinkaas oo ay xaliso.

Khabiir Somaliyeed ayaa ku micneeyay weerarada ay Al-shabaab ka wadaan gudaha Somaliya inay ugu muujinayaan xukuumada cusub in ay wali awood ku leeyihiin dalka oo ay ka taliyaan, madaama isbadal siyaasadeed ka dhacay dalka oo marxalad cusub la galay.

Wuxuuna si cad u sheegay Al-Shabaab inay ku jiraan xaalad aad u liidata iyo hogaan xumo, tasoo ka dhalatay weerarada  joogtada ah ee ciidamada dowladda iyo duqaymaha xoogan ee uu maraykanku la beegsado madaxda xarakada.

Post a Comment

0 Comments