Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

 

dil ka dhacay xaafada Soonakey ee degmada Hodan

Kooxo hubeesan ayaa maanta dil ka geestay xaafada Soonakey ee degmada Hodan, waxaana dilkaasi la sheegay in loo geestay nin kamid ahaa dadka deegaanka oo magaciisa lagu sheegay Cabdiwali Jeekeey .

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay in ninkan dileen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo dabagal ku hayay, waxa ayna xuseen in ninkan la dilay uu u shaqeenayay dowlada Soomaaliya, uuna wadashaqeyn dhaw la lahaa Mareykanka.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ciidamada ku guul dareesteen soo qabashada kooxdii fulisay dilka oo goobta si degdeg ah uga baxsatay markii ay dilka fuliyeen.

Xarakada Al Shabaab ayaana sheegatay masuuliyada dilkan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, mana jiro wax war ah oo dilkan kasoo saareen laamaha amaanka dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto dad shacab ah iyo dad u shaqeeya dowladda, waxaana inta badan baxsada kooxaha hubeesan ee dilalkaasi geesta.

 

Post a Comment

0 Comments