Fahad Yaasiin iyo Farmaajo oo noqdhey kuwa ugu badan ee maalgeliya ururka alshabab

 

farmaajo & fahad yasiin

fahad Yaasiin waxa uu qirtay in uu ka tirsanaa Al-Itixaad, isla markaana uu xubin firfircoon ka ahaa kooxdaas oo markii dambe isu beddeshay Ictisaam oo uu ka gaadhay darajada hoggaamiyaha gobolka ee kooxda argagixisada ah ee caalamku aqoonsan yahay.

Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed sareeye gaas Siciid Maxamed Xirsi ayaa xaqiijiyay in kooxaha argagixisada ah ee dalka ka jira ay ka goosteen ururkii islaamiga ahaa ee looga itaal roonaaday puntland horaantii sagaashamaadkii wuxuuna tilmaamay in dhaqdhaqaaqa isbaheysiga islaamka markii laga adkaaday ay u kala jabeen labo qeybood oo qeyb ka mid ah ay u kala jabtay bulshada halka qeybta kalena ay isku bedeshay argagixiso oo weli khatar ku ah amniga dalka

Al-Shabaab ayaa ah garab kaliya oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Isbaheysiga Islaamka ee uu Fahad Yaasiin ku dhawaaqay in uu ka tirsan yahay, waxayna Xarrakadu go’aansatay in ay ka taliso dhinacyada dhaqaalaha iyo waxbarashada oo ay ku biirto hoggaanka dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed si ay ugu diyaar garoobaan sidii ay u maamuli lahaayeen Soomaaliya

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa ah kuwa ka danbeeyo falalka argagaxisada ah ee Soomaaliya ka dhacaya, waana kuwa Al-Shabaab u adeegsada falal badan oo argagaxiso si ay u gaaraan hadafkooda gaarka ah.

Fahad Yaasiin iyo farmaajo ayaa dhaqaale ku bixiya Al-Shabaab oo Fahad ka tirsan, waxaana la siiyaa malaayiin dollar iyo hub ay ku dagaalamaan si dowladda aysan u lumin oo ay u maamusho qeybo ka mid ah dalka si Soomaaliya aysan cagaheeda isugu taagin. .

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa ah maalgeliyayaasha ugu badan ee Al-Shabaab ku heysta lacag iyo hub.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa diidi waayey in dhaqdhaqaaqa alshabaab ay u adeegsadaan qaraxyada iyo dilalka siyaasadeed, sida dhacdadii afduubka iyo dilkii Akran Tahliil iyo qaraxii Xildhibaanad Aamina Cabdi.

Post a Comment

0 Comments