Somaliya iyo AMISOM oo ballan qaaday in ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Dawladda Somaliya iyo Midowga Afrika oo ballan qaaday in ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Balanqaadka Dawladda iyo AMISOM.

Dowlada Somalia iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaadhka ah ee Somalia ayaa ballan qaaday in ay xoojin doonaan howlgalada militari ee dalka looga saarayo maleeshiyada AlShabaab kadib markii laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee QM ay saartay Somalia muddo 31 sano ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Somaliya, ahna Madaxa Howlgalka, Maxamed El Amiin Suwayf iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Somaliya, Daud Aweys, ayaa si wadajir ah u sheegay in ka qaadistii cunaqabateynta hubka ay siineyso Somaliya fursad cusub oo lagu cidhibtirayo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

Maxamed El Amiin ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ee Somaliya ay muhimad wayn uleedahay horumarka ammaanka Somaliya, isla markaana ay horseedayso in hawlgalka AMISOM hawlaha amniga dalka ku wareejiyo ciidamada Somaliya.

Wasiir Daud Aweys oo sheegay in Somaliya wajahayso caqabado

Wasiirka warfaafinta ayaa isna dhankiisa xusay in Somaliya wajaheysa caqabado badan oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, iyo inay ubaahan tahay inay hesho hub iyo qalab casri ah si ay si hufan ula dagaalanto.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in taageerada ay shacabka siinayaan howlgallada ciidamada ay yihiin kuwa miro dhal ah, waxaana tusaale u ah in maanta  caasimaddii Muqdisho amni ku naalooneyso, taasoo ay ugu wacan tahay wadashaqeyn dhow oo ay la leeyihiin bulshada deegaanka.

Post a Comment

0 Comments