Al-Shabaab oo markale weerar ku qaaday xerada ATMIS ee Buulo-mareer

Al-Shabaab oo markale weerar ku qaaday xerada ATMIS ee Buulo-mareer

Wararka ka imanaya Shabeelaha Hoose.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka kadib ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabka weerarka soo qaaday iyo ciidamada ku sugnaa halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay halkaasi, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaas

Khasaare kala duwan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka dhashay dagaalka, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, maadaama ay ahayd xilli habeen ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in ciidamada ATMIS ay iska caabin adag saameeyeen, taas oo keentay in la jebiyo xubnaha Al-Shabaab weerarka kusoo qaaday Buulo-mareer.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana aagga magaalada haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Kooxda ayaa hadda ka hor weerartay saldhigan.

Hore Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale usoo weerartay ciidamada ATMIS ee deggan magaalada Buul-mareer, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 57 askari.

Aaskarta Uganda ee markaas lagu laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaan badanaa ay ka gaystaan weeraro ay ku qaado saldhigyada ku yaalla gobolkaasi.

Post a Comment

0 Comments