Shabaab oo gubay tuulooyin ku yaalla Shabeelaha Hoose

Ficilada arxandarada ah ee Alshabaab

Dagaallamayaal katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in dab qabadsiiyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas ay ka barakaceen dadkii deganaa ee guryahooda la gubay.

Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy oo ka tirsan Golaha Shacabka kana soo jeeda beesha Gaaljecel ayaa sheegay in kooxda AlShabaab gubeen guryo badan ay degnaayeen dad shacab ah oon waxba galabsan.

Waxa uu sheegay xildhibaanku in kooxda AlShabaab si arxan darro ah ula dhaqmeen dadkii deganaa tuulooyinka ay gubeen, waxa uuna xusay in xaalad adag hadda ku sugan yihiin dadka guryahooda la gubay lana barakiciyay.

“Musiibo weyn ayaa waxa ay ka dhacday tuulooyin hoostaga magaalada Leego illaa 10 tuulo ayay Al-Shabaab gubeen, dadkii deganaana waxa ay u gaysteen barakac, dhibaato iyo xadgub fara badan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Caanooy

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dadka uu matelo in ay hurdada ka kacaan oo hubka qaataan lana dagaalaan kooxda Al Shabaab, uu sheegay in aysan arxan laheyn, waxa uuna ku booriyay dadka in meeshii ay ku arkaan Al Shabaab ku dilaan.

Al Shabaab ayaa marar badan lagu eedeeyay in ay gubeen guryo dad shacab ah ay degnaayeen, sidoo kale gubeen ayna qarxiyeen ceelal biyoodyo dad shacab ah biyaha ka cabi jireen, taa oo muujineysa heerka ay gaartay cadaawada kooxda Al Shabaab.

Post a Comment

0 Comments