DF oo war ka soo saartay dagaalkii AWDHEEGLE iyo tirada Shabaabka lagu dilay

Alshabaab

Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ayaa saaka waabarigii hore weerar xooggan oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, waxa ay ku qaadeen degmada Owdheegle ee gobolka Sh.Hoose.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Owdheegle ayaa la sheegay in weerarka AlShabaab kusoo kadiyeen iska difaaceen, waxaana qeybo kamid ah degmada Owdheegle ka dhacay dagaal culus oo labada dhinac dhax maray.

Telefishinka afka dowladda Somaliya ku hadla oo soo xiganaya saraakiil milatari ayaa sheegay in ciidanka dowladda fashiliyeen weerarka Al Shabaab, waxa ayna saraakiisha sheegeen in Al Shabaab weerarkaasi ku gaarsiiyeen khasaarooyin xooggan.

Warka lagu baahiyay telefishinka dowladda ayaa lagu sheegay in Al Shabaab degmada Owdheegle uga carareen meydadka 20-dagaalyahan oo laga dilay, waxa ay sidoo kale sheegeen in Al Shabaab khasaaro kale oo badan kasoo gaaray dagaalka.

Kooxda Al Shabaab ayaa dhankeeda guulo ka sheegatay weerarka ay saakay ku qaadeen degmada Owdheegle, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarka ku dileen askar katirsan ciidaka xoogga dalka sidoo kale saanad ku qabsadeen.

Post a Comment

0 Comments