Al-Shabab oo howlgal culus looga saaray dhul ballaaran oo istiraatiji ah

Ciidamada xooga dalka

Dowladda federaalka Somaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howlgal culus oo ka socda gobolka Galgaduud, kuwaasi oo kooxda looga saaray dhul ballaaran oo istiraatiji ah.


Ciidanka xoogga dalka, kuwa Daraawiishta iyo ciidanka difaaca shacabka oo ayaa kooxda ka saaray dhulkaas ballaaran oo ku yaalla inta u dhexeeya wadada xiriirisay degmooyinka Ceel-buur iyo Dhuusamareeb.

Goobaha laga saaray Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah magaalada istaraatiijiga ah ee Ceel-lahelay, Llaba-dulle, Dhaban-dhul kuhays iyo dhul balaaran oo ah hawdka ay ku dhuumanaysay dagaal-yahaanada Al-Shabaab, sida lagu shaaciyay bayaanka kasoo baxay dowladda.

Howl-galkaan oo xoogiisu ka socdo dhulka Hawdka ayaa waxay dowladda sheegtay in saacad kasta soo yaraynayaan dhulka ay ku dhuumanayaan Khawaarijta haraadiga ah ee maamulka Galmudug.

Howl-galkaan ayaa imanaya laba maalin kahor markii ciidanka Qaranka ay bur-buriyeen maleeshiyad Shabaab ah, kuwaasi oo ku sugnaa labo deegaan oo lagu kala magacaabo Xiin-Tubaal iyo Ceel-Cali Wayd oo ku yaalla Koonfuur Bari ee Gobolka Galgaduud.

Post a Comment

0 Comments