Dagaal culus oo hadda ka dhex qarxay ciidamada dowladda iyo Khawaarijta Shabaab

Dagaal udhexeeya ciidanka iyo shabaab oo ka sicda deegaanka Cowsweyne

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo maleeshiyadka Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Cowsweyne oo qiyaastii 20 kiilo mitir u jira degmada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan deegaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyad AS ay ciidanka dowladda la beegsadeen qaraxyo, kadibna labada dhinaca ay iskaga horyimaadeen dagaal fool-ka-fool ah.

Ilaha amniga ayaa intaas ku daray in dagaalka socda ay qeyb ka yihiin duqeymo dhinaca cirka ah. Lama oga khasaaraha ilaa hadda ka dhashay dagaalkan.

Dowladda Somaliya weli wax faahfaafhin ah kama bixin dagaalkan, iyada oo dhinaca kale dowladaha Soomaaliya ka kaalmeeya dhinaca hawada aysan sidoo kale weli si rasmi ah aysan xaqiijin haddii ay ka qeybgaleen howlgalkan.

Hawlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda Galmudug ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya ay shalay kula wareegay degmada Ceel-buur oo in muddo ah ku jirtay gacanta Al-shabaab.

Kahor Ceelbuur, ciidamada dowladda Somaliya ayaa la wareegay tuulada Dac oo qiyaastii 18-kiilo mitir dhanka Koofur Bari ka xigta Ceel-buur.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada ayaa qabsaday Cosweyn, Wabxo, War Xoolo, Dac iyo tuulooyin kale oo yar yar.

Post a Comment

0 Comments