Ciidamada Cirka Somaliya oo Markii ugu horaysay ka qayb-qaadanaya hawl-galada ka socda Dalka.

Ciidamada Cirka Somaliya

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya ayaa xaqiijisay in Ciidanka Cirka Somaliya ay markii ugu horeysay ka qeyb qaadanayaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka socda deegaanada maamulka Galmudug.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya General C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in Ciidamada Cirka Soomaaliya ay bilaabi doonaan Duqeymo ay ku beegsanayaan fariisimaha Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanada ay howlgallada ka socdaan.

Waxa uu intaa ku daray in Diyaaradaha sahanka ee Ciidamada Cirka Somaliya ay wadaan howlo sahamin ah si ay xog sax ah u helaan.

General Caaood ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in dalka laga xoreeyo kooxda Alshabaab, isagoo xusay in dowladdu ay cafis u fidineyso dhalinyarada ka soo goosata ururkaasi.

Post a Comment

0 Comments