Nin Shabaab kasoo goostay oo bixiyay xog culus.

Alshabaab

Isxaaq Mayow Mohamuud oo Magaca afgarashada Khawariijta loo yaqaanay (Sayib) ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.

Isxaaq Mudo Afar sano ayuu khawariijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo dhowar ah oo ka dhacay Qeybo ka mid ah Gobolada Sheellaha hoose, Hiiran, Gedo,Jubbooyinka iyo Deegaano kale.

Wuxuun ku sheegey isaaq sababta uu uga soo baxay khawaarijta inay ahayd dhibaato ka jirta dhexdooda iyo mid ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan.

Isxaaq mar uu ka hadlay awooda khawaarijta maanta wuxuu ku tilmaamay inay aad u liidato isagoo dowlada iyo shacabka soomaaliyeed u sheegay hadii ay sii wadaan howlgalka l arki doono khawaarijta oo Somaliya ka cararaysa.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay Saaxibadii inay ka soo tagaan Khawariijta Iskuna soo dhibaan Ciidanka Dowladda soomaaliya si loo badbaadiyo naftooda.

Post a Comment

0 Comments