Mukhtaar Rooboow oo ku dhawaaqay wax naxdin geliyay saaxiibadiisii Khawaarijta

Mukhtaar Roobow

Wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta dowladda FS mudane Mukhtaar Roobow Abuu-mansuur oo ay garabtaaganyihiin qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in wasaaradda iyo culimadu ay ka wada shaqaynayaan in la xoojiyo dagaalka dhinaca fikirka ah ee lagula jir kooxda Khawaajita ee dhaqamada diinta islaamka ka baxsan ku qaldaysa dadka caamada ah, si ay ugu dagaalamaan.

Waxa uu sheegay wasiir Roobow in culimadu ay si joogta ah u cadaynayso masalooyinka diiniga ah ee la xiriira dagaalka Khawaarijta, iyagoo dhinaca kale ka qayb qaadanaya wacyigelinta bulshada iyo toosintooda oo ah shaqo ay mar walba u taagnaayeen cilimadu.

Dhinaca kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa dowladda FS ku bogaadiyey inay mudnaanta koobaad ka dhibtay la dagaalanka Khawaarijta suurad xumaysay diinta Islaamka, si dadka Soomaaliyeed diintooda loo badbaadiyo

“Khawaarijtu waxay qatar ku yihiin diinta, nafta, maalka, cibaabada iyo guud ahaan xasiloonida dalkeena, waa waajib diini ah in lala dagaalamo” ayuu yiri Sheeb Bashiir.

Dowladda FS ayaa dajisay Istiraatiijiyad ballaaran oo lagula dagaalamayo Khawaarijta, kaas oo ka kooban dagaalka furimaha, dagaalka dhaqaalaha iyo dagaalka fikirka, iyadoo dhammaan dhinacyadaas guulo wax ku ool ah laga sameeyey.

Post a Comment

0 Comments