Roobow oo loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliya.

Mukhtaar Roobow

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo hadda ka hor ka soo goostay Al-Shabaab ayaa xubin ka noqday dowladda cusub ee Somaliya oo uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Berri.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo tan iyo December 2018 ku xirnaa magaalada Muqdisho balse lasoo daayay ayaa loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Dowladdii hore ee Nidaamkii Farmaajo hogaaminayay ayaa Roobow xidhay xilli uu isku diyaarinayey inuu u tartamo xilka madaxtinimo ee maamulkiisa Koonfur Galbeed oo uu ka soo jeedo.

Waxaana uu xabsiga ku jiray sannadihii lasoo dhaafay iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin inkastoo marar badan siyaasiyiin iyo dad kale ay ku baaqeen in maxkamad la soo taago ama xoriyadiisa la siiyo.

Roobow wuxuu ahaa hogaankii labaad ee Xarakada Al-Shabaab, balse sanadkii 2013-kii ayuu ka soo goostay oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka Somaaliya.

Waxaanu 2018 uu isku dayay inuu saaxada siyaasada soo galo, balse dowladdii hore ayaa ka hor istaagtay inuu sameeyo, sikastaba hadda waxa uu ka mid noqday dawladda federaalka ee hadda jirta.

Post a Comment

0 Comments