Farmaajo & Fahad ayaa weli hubeynaya Al-Shabaab si ay amaanka u qal qal geliyaan

farmaajo & fahad yasiin


Laamaha amaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in deegaanka Bandar Bella ay ku qabteen labo doonyood oo hub u rarnaa, kuwaasi oo laga soo tahriibiyay deegaanada kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, waxaana la sheegay in loo waday dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Fahad Yaasiin ayaa horey u qirtay inuu ka tirsan yahay dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee gacan saarka la leh dhaqdhaqaaqa

Al-Shabaab wararka ayaa xaqiijinaayo in uu fahad uu bixiyey qarashka hubka isagoo lacgtaas uu ka soo qaadey dalka QATAR oo ah cadowga koobaad ee umada soomaaliyeed

Wararka ayaa sheegaya in Shaqaalihii la socday labada Doonyood oo Yemeni iyo Soomaali isugu jiray ay u shaqeynayeen Shabakad wax tahriibisa oo xiriir la leh fahad yasiin oo ku dhow Qatar oo lagu yaqaan  taageerida Argagixisada caalmka

wararka ayaa intaasi ku sii darey in labada doonyood ee la qabtay uu lahaa nin Soomaali ah oo wax tahriibiya oo lagu magacaabo Axmed Mataan, oo dawladii farmaajo kamid ahaay si aadneh ugu dhawaay fahad yasiin ayaa horayna u soo galiyay hub iyo walxaha qarxa oo ay ka faa’iideysteen kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya,

waxaana loo adeegsaday weeraro dhowr ah oo ay ugu daran yihiin. Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho October 14, 2017, kaasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen in ka badan 500 oo qof.

Fahad Yaasiin iyo Farmaajo ayaa ah kuwa ugu badan ee taageera dhaq-dhaqaaqa alshabaab oo lacag iyo hub wata. Waxaan codsaneynaa in Farmaajo iyo Fahad lagu soo oogo dhammaan dambiyada ay galeen, ha ahaato intii ay xukunka hayeen ama ka dib

Laamaha amaanka waa in ay ka hortagaan musiibooyinka ay damacsan yihiin in somaliya ay ka sameeyaan qaraxyo waaweyn iyo dilal qorsheysan hay'adaha ku shaqada leh ay xabsiga soo dhigaan dhamaan kooxdaan maafiyada ah ayna hor boodayaan farmajo iyo fahad yaasiin waa in lagula xisaabtamaa dembiyadii ay ka galeen dalka inta ay xukunka joogeen

Isbadalka wanaagsan ee dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya ka muuqdaa wuxuu xaqiijinayaa musuqmaasuqa xukunka Farmaajo, sidaas darteed wuxuu isku dayaa inuu la dagaallamo isbadalkan wanaagsan si loo fashiliyo.


Post a Comment

0 Comments