Milatariga Somaliya oo kusii siqaya Wabxo iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Ciidanka xooga dalka Somaliyeed

Ciidanka xoogga dalka Somaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgalo ka sameeyay deegaanno u dhaxeeya deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ciidanka xoogga dalka ka wadaan xadka u dhaxeeya Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha guutada Khaalid Bin Waliid Gaashaabnle Ismaaciil Cabdimaalik, waxaana ciidanka howlgalka ku wehliya ciidamo katirsan ATMIS.

Ciidamada huwanta ah ayaa intii ay howlgalka wadeen waxa ay waddooyinka ka saareen miinooyin badan oo Al Shabaab dhigeen, waxa ayna wali ciidamada wadaan howlgalka ay ku doonayaan in Al Shabaab uga saaraan deegaanka Wabxo.

Saraakiisha ciidanka horkaceysa ayaa sheegay in ay kusii dhawaanayaan deegaanka Wabxo oo saldhig weyn ku leeyihiin Al Shabaab, waxa ayna saraakiisha sheegeen in saacadaha soo socda gaari doonaan goobaha Al Shabaab joogaan.

Howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga sarayo degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga ayaan wali si rasmi ah bilaaban, waxa ayna ciidamada kusii siqayaan iyaga oon dagaal badan gelin goobaha Al Shabaab joogaan.

Post a Comment

0 Comments