Ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa howlgal culus ka sameeyay gudaha degmada Galhareeri oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalkeenna Somaliya.
Howlgalkan oo ay dowladdu tilmaamtay inuu guuleystay ayaa waxaa lagu beegsaday saddex xarrumood oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab.
Saddex xarum ayaa kala aha garaash lagu diyaarinayay baabuur qaraxyo ah, goob kale oo u aheyd bakhaar hub iyo goob uu yiilay qalab caafimaad.
Qooraal kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in goobtaasi lagu burburiyay illaa todobo gaari oo goobta tiilay, sidoo kalena la gubay keydka hubka ee u yaallay halkaasi.
“Midka mid ah waa Garaash ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay Waxyaabaha Qarxa waxaana halkaas lagu burburiyay todobo Gaari oo yaalay Goobtaas. Goobta labaad waxa ay ahayd Bakhaar hub oo ay Khawaarijtu lahayd waana la gubay.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale waxaa qoraalka uu intaasi ku daray “Goobta saddexaad waxaa u yaalay qalab caafimaad oo ay Khawaarijtu si gaar ah u isticmaalaysay.”
Galhareeri ayaa kamid ah magaalooyinka ay muddada dheer ka talineysay kooxda Al-Shabaab, waxayna u aheyd xarun weyn oo ay ku lahaayeen saldhigyo gaar ah.
Si kastaba, howlgalka ka dhacay Galhareeri ayaa qayb ka noqonaya gulufka haatan ka socda gobollada dhexe, kaas oo uu hagayo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud.
0 Comments