Villa Somalia oo shaacisay 2 magaalo oo la qosheyay in la xoreeyo kahor wejiga 2-aad

Ciidanka xooga dalka

Dowladda federaalka Somaliya ayaa shaacisay in kahor inta uusan bilaaban wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu qorshuhu yahay in la xoreeyo deegaano dhowr ah.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Somaliya Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyay VOA ayaa shaaciyay in la diyaariyay duulaankii lagu xoreyn lahaa magaalooyin ay kamid yihiin Ceelbuur iyo Galhareeri ee ku haray gacanta kooxda Al-Shabaab.

“Waa howl dhameystiran xag ciidan waxay sugeysa amarkii sare ee madaxda iyo ku dhaqaaqisteeda, si loo soo afjaro wejiga koowaad oo runtii xooga dib u dhac yar ku dhacay dhameystirkiisa, la rajeynayo in toddobaadyada soo socda magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee ku haray laga xoreeyo cadowga,” ayuu yiri Xuseen Sheekh.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Arrintaas waa arrin millateri ahaan dhameystiran kaliya uu dhiman yahay go’aankii siyaasiga ahaa ee lagu howl-gali lahaa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-gallo ay ka socdaan Shabeellaha Hoose iyo qaar kamid ah Jubbooyinka, laakiin wejigii labaad ee safka marka ahaa uu weli dhiman yahay, uuna bilaaban doono marka uu soo idlaado wejiga koowaad.

“Wejiga hore bilow illaa dhamaad taageero aad u kooban oo ATMIS ah iyo taageero dhanka cirka ah oo dowladdo saaxiibo ah laga helay mooye waxaa Shabaab u xoog sheegtay ciidamadeena huwanta ah.”

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay cashir u dhigeen Al-Shabaab, oo ayadu ku doodi jirtay in aysan la-dagaalamin ciidamada Soomaaliyeed, balse is hayaan kuwa ajaaniibta ah.

“Shabaab weligood waxay ku andacoon jirtay ciidamada Soomaaliya ma ahan cidda nala dirireysa ee aan la dirireyno, laakiin waa markii koowaad oo la tusay cidda ka adkaaneysa ee ka awoodda badan aysan aheyn ciidamo ajnabi ah oo ay tahay ciidamada Soomaaliyeed iyo shacabkeeda oo isku tegay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dhawaan uu bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, marka uu soo idlaado kan hore oo maraya heer gaba-gabo, islamarkaana ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Post a Comment

0 Comments