Ciidanka Dowlada oo dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, Mid kalena gacanta ku dhigay

Ciidanka Xoogga dalka

Ciidanka Xoogga dalka iyo maleeshiyada deegaanka ayaa labo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dilay deegaanka Baraag-Ciise oo hoostaga degmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka huwanta ay weerareen goob xubnahan ay si dhuumaaleysi ah isugu dayayeen inay dadka lacago baad ah uga qaadaan sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka horgaamineysay.

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Xaashi Garaad Cali oo ahaa sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo si wayn looga yaqaanay deegaanka.

Saraakiisha ciidamada DF ayaa sheegay Xaashi Garaad Cali uu ku caanbaxay wax ay ugu yeereen baadda iyo dhaca xoolaha dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan gobolada dhexe.

“Waxaan ku simeynaa dhagar qabahan laamaha amaanka maamulka Galmudug iyo kuwa DF si uu cadaalada u maro” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha horkaceysay howlgalkaas.

Post a Comment

0 Comments