Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Saldhig ay dhawwaan wareejiyeen Ciidamada ATMIS

Alshabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahanno katirsan AlShabaab weerar culus ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda Somaliya kaga sugnaayeen deegaanka Gariley ee gobolka Gedo.

Saldhigan la weeraray ayaa dhawwaan waxaa ka baxay ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS , kuwaa oo sannadihii lasoo dhaafay ku sugnaa, waxaana saldhigaasi lagu wareejiyay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya.

Dagaal culus ayaa ka dhacay saldhigga ay weerareen kooxda AlShabaab, dadka deegaanka ayaana ku waramay in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo labada dhinac saacado dhax marayay.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka culus ee ka dhacay deegaanka Garaliey, labada dhinac ayaana dagaalkaasi ka kala sheegtay guulo, mana jiro ilo madax bannaan oo xaqiijin kara kharaaha dhabta ah ee dagaalkaasi ka dhashay.

Ciidamada ATMIS ayaa bilaabay in ay ka baxaan qaar kamid ah saldhigyadii ay kaga sugnaayeen gobolada Somaliya, waxaana saldhigyadaasi lagu wareejiyay ciidamo katirsan milatariga Somaliya.

Post a Comment

0 Comments