Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Gedo

Qaraxii Ka dhacay Gedo

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax miino oo ka dhacay wadada isku xirta degmooyina Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo

Qaraxan oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanka Uunsi  oo u dhexeeyo degmooyinka Balad Xaawo iyo Dolow.

Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo noociisu ahaa Suzuki ayaa la sheegay iney qabsatay miinada lagu aasay wadada,

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 3 kalena way ku dhaawacmeen, kuwaasoo qaarkood dhaawacooda culus yahay, waxaana loola cararay goobaha Caafimaadka.

Ciidamada Dowlada ayaa gaaray goobtaas kuwaasoo baaritaano ka sameeyey inkastoo aan la sheegin cid loo soo xiray qaraxaas oo loo badinayo iney ka dambeysay Alshabaab inkastoo aysan sheeganin.

Post a Comment

0 Comments