Wejiga labaad ee dagaalka Shabaab oo caqabado wajahaya

Alshabaab

Dowladda federaalka Somaliya iyo ciidamo ka socda dalalka safka hore oo kaabaya ayaa diyaar-garow ugu jira wejiga labaad ee dagaalka kooxda AlShabaab ka dhanka ah.

Dowladda ayaa horey u sheegtay in wejigii hore ee dagaalka Al-Shabaab ay ku guuleystay, oo ay kooxda ka saartay dhul horleh, islamarkaana ay uga dishay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka ayaa waxa uu haatan ku soo aadayaa, iyada oo rabshado iyo khilaafaadyo ay ka soo cusboonaadeen qaar kamid ah dowlad goboleedyada xubnaha ka dowladda federaalka.

Prof Liibaan Xuseen Ciise oo barre ka ah Jaamacadda Muqdisho, kana tirsan ururrada bulshada rayidka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in khilaafyada soo cusboonaaday ay curyaamin karaan wejiga labaad ee howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Dagaalada kasoo cusboonaaday meelaha kala duwan ee dalka waa wax laga xumaado run ahaantii, waxaas oo dhan waxay saameyn ku yeelaneysaa amniga sugistiisa oo dhan, oo waxaa isku mashquulaya hay’adihii dowladda dhexdooda, oo dadkii ayaa mideysneyn.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in kala qeybsanaanta ka dhalatay khilaafaadyada soo cusboonaaday ay meesha ka saarayaan isku duubnidii wejigii koowaad ee looga adkaaday kooxda Al-Shabaab.

“Marka amniga la sugayo waxaa ugu muhiimsan in dadka quluubtooda mideysan tahay oo hal dhinac u wada jeedaan, waxyaalahaas oo dhan saameyn weyn ayay ku yeelaneysa.”

Arrimahan ayaa imanaya ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo qaadin wax howl-gal ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa bilihii dhowaa dowladda federaalka ay sheegeysay inuu billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, inkasta oo aanay weli hadalkaas ficil u beddelin.

Post a Comment

0 Comments