Kooxda Alshabaab oo $2 milyan ku bixisay xilka qaadista Jayte

Cali Jayte

Xidlhibaan Maxamed Cabduqaadir oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Somaliya, isla-markaana kasoo jeedo Hiiraan ayaa ayaa si adag uga hadlay xilka qaadista lagu sameeyay guddoomiyihii gobolkaas, Mudane Cali Jayte Cismaan.

Xildhibaanka ayaa si weyn ug soo horjeestay xilka qaadista uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan ku sameeyay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen.

Maxamed Cabduqaadir ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrintan lacag laba milyan oo dollar ah ay ku bixisay kooxda Al-Shabaab, si meesha looga saaro Cali Jayte.

“Warqadii ugu qaalisaneed ee soo baxday qarniga 21aad laguna gatay inta illaaa iyo hada aan ognahay 2 million oo dollar ee ay argagixisadu bixisay si looga hor wareejiyo Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri xildhibaanku,

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in horay ay kooxda lacag dhan hal milyan oo dollar madaxiisa u dul dhigtay Cali Jayte Cismaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Cali Jeyte waxuu noqday qofkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay oo ay dilkiisa argagixisadu ku bixisay qarash dhan 1 Million Dollar , Marki ay u suurageli waaysayna ku bixisay 2 Million Xil ka qaadistiisa” ayuu sii raaciyay xildhibaan Maxamed Cabduqaadir.

Post a Comment

0 Comments