Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al Shabaab hubna ku furtay

Ciidanka xooga dalka

Ciidanka milatariga Somaliya ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen inta u dhexeysa Galcad iyo deegaanka Baraag shiikh Caamir ee gobolka Galgaduud ku dilay xubno katirsan Al Shabaab.

Warbaahinta Dowladda ayaa baahisay in howlgalka qorsheesan ay fuliyeen ciidanka dowladda lagu dilay saddex xubnood oo katirsan dagaalamayaasha Al Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale howlgalka ay fuliyeen waxa ay kula wareegeen gaari nuuciisa yahay NOAH , waxa ay sidoo kale furteen hubkii ay wateen ragga la dilay.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadu sii wadayaan beegsiga dagaalyannada AlShabaab ee ku sugan deegaanno iyo tuulooyin hoostaga degmada Ceeldheer.

Post a Comment

0 Comments