Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Lacag siiyay nin fashiliyay Qarax ay Maleegayeen Al Shabaab.

Xamse Barre & Mahad Salaad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu garab taagnaa taliyaha hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa muwaadin soo sheegay mooto Bajaaj siday qarax ay Al Shabaab doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Sooamaliyeed guddoonsiiyey lacag dhan 20kun oo dollar.

Xamse Barre ayaa sheegay in tallaabadani lagu qabtay mootada qaraxyada waday ay ku timid wadashaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’adaha ammaanka Somaliya.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa ku ammaanay muwaadinkaas qaraxa AlShabaab damacsanaayeen fashiliyay dhiiranaanta iyo wadaniyadda uu muujiyey ee uu ku badbaadiyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ammaanka ayaa marar badan fashiliyay qaraxyo la doonayay in weeraro lagu geesto, kaddib xogo ay ka heleen dad shacab Soomaaliyeed qaarkood.

Muqdisho waxaa kusoo badanaya qaraxyada lala eegto ciidamada booliiska sida milatariga u tababaran ee lagu wareejiyay amniga caasimadda, bishii hore ayaana sidan oo kale ciidamada loogu qarxiyay xilli ay marayeen laamiga Dayniile.

Post a Comment

0 Comments