Sarkaal ka tirsan Al-shabaab iyo ilaaladisa oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Ciidamada Xooga Dalka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwooda sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa Howlgal  ka fuliyey tuulada lagu magacaabo Aboodan oo hoostagta magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose.

Bartilmaameedka howlgalkaas ayaa ahaa shan gaari oo ay la socdeen Alshabaab oo halkaas marayey sida saraakiishu sheegeen.

“Ciidankii fuliyay howlgalkaas ayaa bur buriyay dhammaan gaadiidkii beegsigu ahaa, waxaa kale oo la dilay maleeshiyaadkii saarnaa gawaarida ka dib markii ay dagaallameen” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka

Dhanka kale, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorysheysan ku dilay Sarkaal magaciisu lagu soo gaabiyay Abuu Sahal iyo Shan dagaalyahan oo ilaalo u ahaa.

“Howlgalkaas lagu dilay horjoogahan iyo maleeshiyaadka la socday ayaa ka dhacay deegaanka Kaam-jaroon oo hoostaga magaalada Kismaayo, halkaas oo dhagar qabahan ku dhuumaaleysanayay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka Danab.

Post a Comment

0 Comments