Mareykanka oo War cusub kasoo saaray duqeyn ay ku dileen Xubno katirsan Al Shabaab

Alshabaab

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa duqeyn dhinaca cirka ah shalay ku beegsaday xubno katirsanaa kooxda AlShabaab , oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Wayanta oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradeed la beegsadeen xubno katirsan Al Shabaab, kaddib codsi uga yimid milatariga dowladda Somaliya.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in  weerarka ay la beegsadeen Al Shabaab oo ka dhacay meel 60 km koonfur galbeed ka xigta Kismaayo ay ku dhinteen saddex xubnood oo katirsan kooxdaasi, Mareykanka ayaana sheegay in duqeynta aysan shacab waxyeelo kasoo gaarin.

“AFRICOM iyo ciidamada la shaqeeya ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan, waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon. Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan unugyada ku lug lahaa howlgalka iyo agabka la isticmaalay lama sii deyn doono si loo xaqiijiyo amniga hawlgallada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Mareykanka ayaana dhinaca cirka ka taageera ciidanka milatariga Soomaaliya , gaar ahaan kuwa wada shaqeynta kala dhaxeyso ee Danab, waxa ayna Mareykanka weeraro cirka ah ku dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab ay ku jiraan hoggaamiyaal.

Post a Comment

0 Comments