Mareykanka oo ‘duqeyn ku burburiyay’ HUBKII ay Al-Shabaab ka qaateen ATMIS

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen magaalada Buulo-Mareer oo qiyaastii 120km dhanka koonfureed uga beegan Muqdisho.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntan uu la beegsaday dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab isla-markaana qayb ka ahaa kuwii weerarka kusoo qaaday saldhig ciidamada Uganda ay ku lahaayeen magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Sh/ Hoose.

Qoraalka kasoo baxay Africom waxaa lagu sheegay in weerarkan dhanka cirka ah lagu burburiyay hub iyo agab kale oo Al-Shabaab ay ka soo qabsasdeen xerada ATMIS.

Ma shaacin taliska Africom ee Mareykanka khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee Al-Shabaab kasoo gaaray weerarkaasi ee ay ka fuliyeen magaalada Buulo-Mareer.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in uusan jirin  qof shacab ah oo wax ku noqday duqeyntaasi oo ay la beegsadeen xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inuu sii wadi doono taageerada uu siiso Somaliya, gaar ahaan garab istaagiisa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments