ATMIS oo ka hadashay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Ciidankooda iyo Jawaabtii ay ka bixiyeen

ATMIS

Taliska ciidanka nabad ilaalinta u jooga Somaliya ee ATMIS ayaa ka hadlay weerarkii xooganaa ee shalay subax Al Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamo katirsan ATMIS ku lahaayeen deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

War kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu sheegay in Al Shabaab baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay kusoo weerareen xeradooda, waxa ayna sheegeen in ciidanka ATMIS iska difaaceen weerarkaadi.

ATMIS warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in weerar dhinaca cirka ah lagu qaaday dagaalyahannadii weeraray saldhigga ciidamada ATMIS, waxa ayna sheegeen in la bur buriyay dhammaan hubkii ay wateen Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii shalay subax ay ku qaadeen xero ciidamada Uganda uga sugnaayeen deegaanka Buulomareer ku dileen 137 askari, sidoo kale nolosha ku qabteen askar kale oo ciidankaasi katirsanaa.

Post a Comment

0 Comments