QARAX weyn oo ‘dhulka la simay kaydkii hubka’ ee kooxda AL-SHABAAB

QARAX

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in qarax xoogan uu halakeeyay kaydkii hubka ee ugu weynaa ee ay Al-Shabaab ku lahayd koonfurta Soomaaliya, kaas oo uu yaalla degmada Jilib oo ay gacanta ku heyso kooxdu.

Warbaahinta dowladda ayaa warisay in qaraxa uu ka dhex dhacay guri ku yaalla Jlib oo kayd hub u ahaa Al-Shabaab, isla-markaana uu gebi ahaan basbeelay hubkii dhex yaalay.

Sidoo kale warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in qaraxa uu sababay dab xoogleh oo guriga qabsaday, taasina ay sii adkeysay xaaladda goobta.

Dhacdadan ayaa dhacday saddex habeen kahor, gaar ahaan xilli salaaddii Maqrib ah, mana cadda waxaa dhaliyay qaraxa xoogan ee qabsaday keydkaasi hub ee Al-Shabaab.

Guriga uu qarax ka dhex dhacay ayaa ku yaalla dhabarka dambe ee Masaajidka Gurey ee degmada Jilib, halkaas oo ay isugu tegaan saraakiisha iyo xubnaha kale ee Al-Shabaab.

Ma shaacin warbaahinta dowladda khasaare kale oo ka dhashay qaraxan, marka laga reebo inuu baaba’ay kaydkii hubka ee Al-Shabaab u yaalay halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in arrintan ay shaki weyn ka dhex dhalisay kooxda, isla-markaana lagu dhagay nin lagu magacaabo Cabdullaahi Jeeri oo ah sarkaalka gacanta ku hayay kaydka, kaas oo ay warbaahinta dowladdu sheegtay inuu kasoo jeedo Galgaduud.

Xogaha iyo macluumaadka laga heli karo Jilib ayaa aad u yar, maadaama Al-Shabaab aysan ogoleyn in dhaq-dhaqaaq iyaga ka baxsan laga dhexe sameeyo halkaasi, isla-markaana ay mamnuuc ka tahay adeegga Internet-ka iyo sidoo kale midka guud ee isgaarsiinta.

Si kastaba, qaraxaan halakeeyay kaydka hubka ee ugu weyn koonfurta ee Al-Shabaab ayaa kusoo aadayo, xilii ay haatan kooxda wajaheyso guluf dagaal oo ay wado dowladda dhexe.

Post a Comment

0 Comments