Ciidanka dowladda oo Weerar culus ku qaaday deegaan Al Shabaab joogeen

Ciidanka Xooga Dalka

Ciidanka xoogga dalka ayaa shalay weeraray goob ay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab kaga sugnaayeen deegaanka Sabansabley oo dhaca Xadka ay wadaagaan gobolada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in ciidanka xoogga dalka weerar culus ku qaadeen deegaanka Sabansabley ,xilli ay halkaasi ku sugnaayeen dagaalyahanno badan oo katirsan Al Shabaab.

Saraakiil katirsan dowladda ayaa sheegay in jab xooggan ku gaarsiiyeen AlShabaab weerarka lagu qaaday, waxa ayna sheegeen saraakiisha in howlgalka lagu baacsanayo Al Shabaab wali socdaan.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli muddooyinkii lasoo dhaafay hakkad galeen howlgaladii ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ka wadeen gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhaxe.

Post a Comment

0 Comments