Ciidamada dowladda oo la wareegay Deegaanka Dahar Faqay kuna dilay Horjooge

Alshabaab

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa la wareegay deegaanka Dahar Faqay oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud , waxaana deegaankan horey gacanta ugu hayay kooxda Al Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in jab xooggan gaarsiiyeen dagaalyahanaddii Al Shabaab ee joogay deegaanka Dahar Faqay, waxa ayna sheegeen in ay dileen horjoogihii Al Shabaab ee deegaankaasi oo magaciisa lagu sheegay Ilkacase.

Ciidamada huwanta ah ayaana deegaankan ka wada howlgalo amniga lagu xaqiijinayo, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in ay sii wadayaan howlgalka ayna AlShabaab ka saarayaan deegaannada wali joogaan.

Howlgalka ka socda gobolka Galgaduud ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka gaareen guulo badan, waxa ayna ciidamada la wareegeen deegaanno badan oo Al Shabaab horey u heesteen.

Post a Comment

0 Comments