Xildhibaano kormeer ku tagay deegaanno cusub oo laga saaray Al Shabaab

Alshabaab

Xildhibaanno katirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Somaliya ayaa maanta kormeer ku tagay magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud iyo deegaanno kale oo hoostaga oo dhawwaan laga saaray kooxda Al Shabaab.

Xildhibaanadan oo kala ah Xildhibaan Yaasiin Farey iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul ayaa kormeer ku tagay magaalada Galcad, waxa ayna u kuur galayeen xaalada magaaladaasi iyo sidoo kale deegaannada ku xeeran ee laga saaray AlShabaab.

Waxa ay xildhibaanadan warbixino ka dhageesteen saraakiisha ciidanka dowladda ee xureeyay deegaannadaasi hoggaamineysa, waxa ay sidoo kale la kulmeen oo xaal wareesteen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Xildhibaanadan katirsan golaha shacabka ayaa u tagay magaalada Galcad iyo deegaannada hoostaga sidii ay u dhiiro-gelin lahaayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee AlShabaab dagaalka kula jira kana xoreeyaan deegaannadaasi.

Post a Comment

0 Comments