Dowladda oo Shaacisay in la dilay in ka badan 40-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab

Alshabaab

War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Somaliya ayaa lagu shaaciyay in hawlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen degaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay  44 xubnood oo ka tirsanaa  Al-Shabaab .

Dowladda ayaa sheegtay in xubnahan AlShabaab katirsanaa ee la dilay ay isugu jireen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad, kuwaasi oo isku aruursanayay godad ay ka qoteen deegaanka Cali Fuuto ee lagu weeraray.

Howlgalkan ayey dowladdu sheegtay in uu dhacay shalay oo taariikhdu ku beegneed 12-ka May, waxa ayna sheegeen in sirdoonka NISA ay muddo hayeen xogta kooxdan oo isku aruursanayay goobta lagu weeraray.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaan sidoo kale lagu bur buriyay godad ay halkaas ka qoteen kooxda Al Shabaab, hub iyo saanado kale oo ay ku aruurinayeen dagaalamayaasha Al Shabaab.

Post a Comment

0 Comments