Ciidanka dowladda oo howlgal qorsheesan ku dilay xubno katirsan Al Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka Somaliya

Ciidanka xoogga dalka Somaliya gaar ahaan guutada 14-ka Octoobar ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay xubno katirsan kooxda AlShabaab.

Taliyaha Guutada 14 oktoobar ee Ciidanka xoogga dalka G/le Sare Nuur Maxamed Gaaboow ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Gumeysidiid ee kuyaalla duleedka Owdhiigle ku dileen shan xubnood oo katirsanaa AlShabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha in ay ciidamada heleen xogta koox katirsan Al Shabaab oo isku aruursaneysay deegaanka Gumeysidiid si ay weerar u geestaan , waxa uuna xusay in ciidanka fashilyeen weerarkaasi ayna dileen xubno katirsanaa AlShabaab.

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa mararka qaar howlgalo ka fuliya deegaanno katirsan gobolkaasi ay joogaan AlShabaab, waxaana howlgaladaasi inta badan ciidanka dowladda ka sheegtaan guulo.

Post a Comment

0 Comments