DF oo shaacisay guulihii 48 saac ee u dambeeyay laga gaaray dagaalka Al-Shabaab

Dagaalka  Argagixisada Alshabab

War kasoo baxay Dowladda Somaliya ayaa lagu shaaciyay in hawlgallo ay iska kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah ee taageera lagu laayay horjoogayaal iyo dagaalyahano katirsan Alshabaab, sidoo kale lagu burburiyay Gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa .

Dowladda ayaa warka kasoo baxay lagu sheegay in hawlgalladaan 48-dii saac ee la soo dhaafay ay dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Warka DF ayaa lagu sheegay in hawlgalka Koowaad oo la fuliyay Sabti 22-kii October lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo dagaalyahano, halkaasna lagu dilay 21 xubnood ka tirsan Al Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal uu ka mid ahaa Horjooge Cabdullaahi Cali Caraale.

Hawlgalka labaad waxaa uu dhacay 23 bisha  3:30pm galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid Cali-Gaduudd goob bartimaameed gaar ah u ahayd Hay’adda NISA waxaana lagu dilay 11 ka tirsan Argagixisada Al Shabaab iyadoo lagu dhaawacay in ka badan 30 kale oo halkaas ku sugnaa.

Hawlgalka seddexaad oo ugu  xoogganaa wuxuu dhacay habeen hore saq-dhexe, waxaana uu ka dhacay deegaanka Bur-coloow dadka qaarna u yaqaanaan Doolile oo Maasjidka Cali-guduud u jira 10km dhanka galbeed halkaas oo farriisan weyn u ahayd Al Shabaab.

Halkaas oo ay ku sugnaayeen kooxda jabhada oo uu hogaminayay horjooge Muscab Cabdulle Saneey iyo horjoogayaal kale oo qorsheynayay weerar ay ku soo qaadaan Ciidanka Qaranka.

Ugu dambeyntiina waxay dowladdu ugu baaqday dhalinyarada weli kusii jira kooxda Al-Shabaab inay isa-soo dhiibaan, si naftooda ay uga badbaadsadaan howl-galkaan wada-jirka ah ee lagu beegsaday kooxda.

Dowladda Somaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka maleeshiyada Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments