DF oo digniin adag u dirtay Nootaayooyinka kuyaalla Muqdisho.

Wasaaradda Cadaaladda

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Somaliya ayaa ku amartay Nootaayooyinka magaalada Muqdisho inaysan xogta shacabka ay dhulalka u kala wareejiyaan u gudbin karin Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa sheegtay in dad shacab ah cabasho ku aaddan in ay xogtooda la wadaageen Al-Shabaab ka soo gudbiyeen qaar ka mid ah Nootaayooyinka Magaalada Muqdisho.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ay Hay'adaha Amniga u qudbisay cabashooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo gudbiyeen si baaris loogu sameeyo dhacdooyinkaas, waxayna xustay in ruqsadda lagana noqonayo Nootaayooyinka lagu helo arrinkaas.

“Wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan mas'uuliyiinta leh nootaayooyinka dadweynaha in xogta macaamiishooda oo ay la wadaagaan Al-Shabaab ay tahay fal-dembiyeed weyn oo xad-gudub ku ah shuruucda dalka”, ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.

“Qof kasta oo lagu helo gacan-siinta argagixisada wuxuu muteysanayaa ciqaabta ku qeexan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS) iyo Xeerarka kale ee dalku leeyahay”. Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ku sii dartay hadalkeeda.

Sidoo kale Wasaaaraddu waxay ogeysiisay dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la kulma tacadiyo ku aaddan in xogtooda lala wadaago Al-Shabaab ay si toos ah ugu soo gudbiyaan cabashadooda Wasaaradda Cadaaladda si wax looga qabto.

Post a Comment

0 Comments