Al shabaab oo qarax miino ku leysay odiyaal dhaqameed.

Qarax ka dhacay Hiiraan

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso oo haleelay gaari ay la socdeeen nabadoono caan ka ah gobolka Hiiraan, xilli uu marayay gaariga deegaan u dhaw Buq-Aqable.

Qaraxa ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Aqaboy oo u dhow deegaanka Buq-aqable, waxaana qaraxan ku dhintay nabadoonno la socday gaariga qaraxa la kulmay iyo sidoo kale dad kale oo la socday.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay afar qof oo saddex kamid ah ahaayeen nabadoonno halka qofka afaraad uu ahaa wiil uu dhalay mid kamid ah odayaasha dhintay, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay hal qof oo kale oo xaalad culus ku jira.

Meydadka odayaasha dhaqanka ee geeriyooday iyo qofka dhaawaca ah ayaa la geeyay degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, waxaana magaaladaasi saakay laga dareemayaa murugada ka dhalatay qaraxa lagu dilay odayaasha dhaqanka.

Qaraxan odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan lagu dilay ayaa imaanaya xilli deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ka socdaan dagaalo u dhaxeeya dadka deegaanka oo is abaabulay iyo sidoo kale kooxda Al Shabaab.

Post a Comment

0 Comments