Al-Shabaab oo Hiiraan ku toogatay 20 QOF, kadibna gubtay gawaari ay la socdeen.

Hiiraan

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in shalay aroortii hore kooxda Al-Shabaab weerar dhabagal ah ka fulisay qaybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka Somaliya, kaas oo sababay khasaare xoogan.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Afar Irdood oo ku taalla duleedka magaalada Beledweyne, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa gubay ku dhowaad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, waxayna sidoo kale rasaas ku fureen dadkii saarnaa baabuurtaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka baxay Beledweyn.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baabuur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.

Xaaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaannada hoos yimaada Beledweyn, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada huwanta.

Dhacadadaan ayaa ku soo aadeyso, xilli ay ciidamada dowladda, kuwa HirShabelle oo garab ka helaya maleeshiyaadka Macawiisley ay howlgallo ka wadaan gobolka Hiiraan, halkaas oo ay dagaallo culus kula galeen kooxda Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaanno dhowr ah.

Kadib dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab ayaa iyaguna bilaabay weeraro aargoosi ah ee ay ka fulinayaan gobolka Hiiraan, waxayna gubeen ceelal & guryo ay daganaayeen shacab.

Si kastaba lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse dagaalka u dhexeeyey ciidamada dowladda & Al-Shabaab ayaa ka sii daraya,waxayna kooxdu billowday weeraro aargoosi ah.

Post a Comment

0 Comments