Wararkii Ugu Dambeeyay weerarkii ka socday Hotelka Xayaat iyo sida hada xaalku yahay.

Hotel Xayaat

Ciidamada ammaanka ee dowladda Somaaliya ayaa illaa hadda howlgal ka wada hoteelka Xayaat oo ay fiidkii hore ee xalay weerar toos ah oo qaraxyo waa weyn ku billowday ay ku galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in uu weli socdo howlgalka oo qaatay inka badan 15 saaacadood, waxaana haatan hoteelka ka dhex-dagaalamaya raggii gudaha u galay oo wata hub aad uculus.

Qaraxyo nooca bambaanooyinka ayaa sidoo kale laga maqlayaa gudaha hoteelka oo ay haatan ku hareersan yihiin ciidamada ammaanka oo qaarkood gudaha u galay dhismaha.

Inta la ogyahay waxaa weerarkaan ku dhintay dad kor u dhaafaya illaa 10 qof, ayada oo dhaawacana uu intaas aad uga badan yahay.

Dadka hoteelka ku dhintay ee magacyadooda la helay waxa ka mid ah: Ganacsade Cabdihaadi Maxamed Sheekh, Ganacsade Cabdiraxmaan Xassan Iiman, Yuusuf Mahad Barrow, Ibraahim Raage, Cabdihaadi Maxamed Sheekh Aadam, Xasan Maxamud Faarax iyo qaar kale. 

Dadka ku dhaawcamay waxaa ka mid ah taliyihii Nabadsugidda Gobolka Banaadir Muxiyaddiin Warbac Shadoor oo ka mid ahaa ciidankii u gurmaday hoteelka. 

Gudaha hoteelka ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo aan tiradooda rasmiga ah la aqoon, Al-Shabaabka ayaa la sheegay inay saaran yihiin qeybta kore ee hoteelka.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay hoteelka ku dhex dishay in ka badan 20 qof, balse si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada kooxdan.

Si kastaba, waa wareerkii ugu horreeyey ee Al-Shabaab ay ku gasho hoteel ku yaalla Muqdisho, tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022.

Ciidamada dowladda ayaana wali isku dayaya in si buuxda usoo afjaraan weerarka Al Shabaab ku galeen hotelka Xayaat, mana jiro ilaa hadda war rasmi ah oo laamaha amniga kasoo saareen weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay.

Post a Comment

0 Comments