Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa Jiida hore ee Dagaalka ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka lugta ee Xooga Dalka Somaliya General Maxamed Biixi Cabdi iyo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidan Xooga Dalka Gen-Tawane Ahmed.
Cali Jeyte ayaa saraakisha uga mahad-celiyey xog-ogaalnimada iyo qorshaha joogtada ah ee ay la garab taagnaayeen inta Howlgalka uu socday Taasoo guulo wanaagsan laga gaaray Al-shabaab oo lagala wareegay Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Degmooyinka Maxaas iyo matabaan ee Gobalka.
Taliyaha Ciidanka lugta ee Xooga Dalka soomaaliyeed ayaa ku amaanay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan Dadaalka iyo Howlkarnimada uu sameeyey asigoo ku bogaadiyey guulaha wax tarka leh ee la gaaray.
Cali Jeyte Cismaan ayaa warbixin guud ka siiyey xaaladaha deeganada halka, uu colka joogo iyo baahiyaha ka jiro deeganada laga saaray Al-shabaab iyo Qorshayaasha kale ee hortabinta leh.
0 Comments