Sarkaal ka tirsan Puntland oo lagu dilay GAALKACYO.

Gaalkacyo City

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, wuxuuna ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda Puntland.

Dilka marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan masjidka Salaaxudiin, xilli uu ka soo baxay saaladdii cishaha.

Gooobjoogayaal ayaa sheegay in dilka ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga dhaq-dhaqaaqay, markii ay toogteen marxuum Cabdiraxmaan.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyey howlgallo kooban, balse ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay oo ku aadan falkaasi dilka ah.

Gaalkacyo ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay ka geystaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo weli ku xoogan deegaannada maamulka Puntland.

Sikastaba, dilkaan ayaa ku soo aadayo, xilli Puntland ay laba jibaartay howlgallada amniga, waxayna gacanta ku soo dhigtay shabakado isku xiran oo toogasho lagu xukumay.

Post a Comment

0 Comments