Madaafiic loo waday Villa Somalia oo khasaaro dhaliyay.

Muqdisho

Madaafiic hoobiyyeyaal ayaa shalay waxay ku soo dhaceen xaafada Xararyaale oo ka tirsan Degmada Warta-nabada Magaalada Muqdisho  kuwaasoo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Laba  ka mida madaafiicda ayaa la sheegayaa inuu ku dhaceen isgoyska Xararyaale, gaar ahaan isbitaalka Aljazeera  qeybtiisa gargaarka degdega oo la tilmaamay in mid ka mid ah labada madfac uu ku habsaday.

Sida uu ii sheegay qof deegaankaasi ah Haweeneey ayaa ku dhimatay madfac gurigeeda ku ag dhacay halka dad kalana dhaawacyo soo gaareen.

Madaafiicdan ayaa loo badinayaa in loo waday xarunta madaxtooyada Villa Somalia oo ku taalla meel aan ka fogeyn halkaas, iyadoo maanta ay Villa Hargeysa oo ku dhex taalla xarunta Madaxtooyada uu ka socday fadhiga golaha shacabka ee kalsooni siinta xukuumada cusub.

Hadaba weerarkan oo ay dad badan rumaysanyihiin inay ka danbayso Alshabaab ayaa umuuqda fariin digniin ah oo ay u dirtay xukuumada cusub, kadib markii ay heshay kalsoonida Baarlamaanka.

Post a Comment

0 Comments