Umadda Soomaaliyeed waxa soo maray ku dhawaad 30-sano oo dagaalo iyo colaado sokeeye ah, taasoo ka maxarimtay waxyaabihii nolosha aasaasiga u ahaa, waxayna ka dhigtay inay dib uga dhacaan horumarka iyo barwaaqada ay ku noolyihiin asaagood shucuubta caalamka.
Sannadahaas foosha xun ee dagaallada iyo colaadaha huwanaa kadib, umada Soomaaliyeed waxay u jeesteen nabad iyo dib u heshiisiin, iyo sidoo kale Dhisidda dawladnimo hanan karta sharciga horumarka, barwaaqada iyo heerarka kala duwan ee maaraynta adeegyada aasaasiga ah.
Soo bixitaankii ururo argagixiso oo ka dhashay maleeshiyaad dhalinyaro ah oo ku xidhan Al-Qaacida iyo Daacish ayaa hor istaagtay xaqiijinta rabitaankaas ahaa amni, nabad iyo horumar ay dadku ku taamayeen inay gaadhaan kuna hoos noolaadaan.
Ururadaas argagixisada ah ee sida sharci darrada ah u daadinaya dhiiga dad aan waxba galabsan, kuma dhaqmaan diinta islaamka ee saxda ah iyo mabaadi’da bini’aadminimada.
Balse shacabka Somaliyeed iskuma dhiibin cadawgaas, waxayna go’aansadeen in ay ka hortagaan wax walba oo ay awoodaan si ay u difaacaan xuquuqdooda sharciga ah iyo sharafta ay ku leeyihiin caalamka.
Waxaanay kacdoon ka dhan ah argagixisadaas ka bilaabeen gobolada dhexe, koofurta iyo galbeedka dalka si ay u diidaan cadaalad darada iyo gumeysiga ay ku hayaan ururadaas xagjirka ah ee Alshabaab, kuwaas oo awood uga qaadi jiray xoolahooda iyo caruurtooda.
Shacabka Somaliyeed waxa ay go’aansadeen in ay ka takhalusaan adoonsiga iyo argagixisada ay ku hoos noolaayeen, waxaanay ku dhaqaaqeen dagaalo iyo hawlgallo ay garab ka helayaan Ciidanka xooga dalka Somaliyeed.
Nasiib wanaag Kacdoonkaas shacabka ayaana sababay in laga xoreeyo deegaano badan oo ay maamulayeen oo ka tirsanaa gobolada dhexe iyo kuwa koofureed ee dalka.
Ugu danbayn La-dagaalanka argagixisadu waxay u baahan tahay dadaal, iskaashi, iyo midaynta darajooyinka bulshada iyo dawladda, mas’uuliyadduna waxay saaran tahay cid kasta, guushuna waa lama huraan.
0 Comments