Golaha Wasiirada oo bogaadiyay dagaalka qabaa'ilka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bartamaha Somaliya

Golaha wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa shalay guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda oo looga hadlay xoojinta qorshayaasha sugidda amniga, dar-dar galinta Gurmadka Abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Shirka oo warbixinno looga dhagaystay wasiiradda Amniga, Arrimaha gudaha iyo Maaliyadda ayaa ugu horayn warbin looga dhagaystay Wasiirka Amniga gudaha oo shirka ku soo bandhigay warbixin la xiriirta howl-galladii ugu danbeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka sameyeen dhinacyada sugidda amniga ,iyo xasillinta deegaanada laga xorreeyo nabad-diidka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaha somaliya Xamze Cabdi Berri ayaa sheegay in Al-Shabaab laga xoreeyo gobollada iyo dhamaan gudaha dalka ay tahay  barnaamijka kobaad ee dawladu wado hadda.

Dhanka kale Golaha Wasiirada Somaliya ayaa bogaadiyay Ololaha Ciidan ee Beelaha Soomaaliyeed ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab iyo Taageerada Ciidanka, si loo badbaadiyo Naftooda iyo Maalkooda.


Hadalka golaha wasiirada ayaa imaanaya maalmo kadib markii Al-shabaab ay ku hanjabeen in ay la dagaalami doonaan qabiil kasta oo ku biira baaqa dowladda ee ah in lala dagaalamo.

Abaabul xooggan ayaa ka socda gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, kaasi oo lagu doonayo in lagu qaado dagaal mideysan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhawaan xasuuq bahalnimo ah u geystay dad rayid ah, iyadoo tobaneeyo qof oo rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ay ku laayeen gobolka Hiiraan, sidoo kale waxay gubeen ceelal iyo tuulooyin.

Post a Comment

0 Comments